BAAQ AY SOO SAAREEN BEELAHA GOBOLKA NUGAAL

BAAQ AY SOO SAAREEN WAXGARADKA IYO AQOONYAHANADA GOBOLKA NUGAAL

Ku Madaxweynaha Dawladda Federaalka Somalia                                        MUQDISHO

Ku Raisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Somalia                                   MUQDISHO

Ku Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia                                              FADIGIISA

Og Qaarka mid ah Golaha Wasiirada Puntland                                           GAROW

                               

JUDEEDDO: Baaq ku Saabsan Gobolka Mudug                                                1-5-2015,

Waxaan si Xushmad iyo Qadarin leh ugu wargalinaynaa Xafiisyada qoraalkaani kushayo shir ay yeesheen waxgaradka, Aqoonyahanka, Isimada, Culimada, Ururada Haweenka iyo Dhalinyaraduba inay Gobolka Nugaal ay kasoo saareen go’aamada hoos kuqoran iyadoo Waxgaradkaas Mawqifkoodu midaysanyahay.

Annagoo Ka fekarayna Danta Dadka iyo Dalka Somaaliyeed ku fakaraynah Wadajirka, Midnimada iyo Horumarka Somaliya, hadab siloogaaroh taas waxaana soo saaray go’aamadaan hoosku qoran.

1.        Waxay Beelaha Gobolka Nugaal si midaysan usoo dhoweynayaan habka Federaaliisimka ah.

2.       Waxayna ka hor imaanayaan cidkasta oo isku daydah inay is hortaagto nadaamkaas Federaaliga ah.

3.       Waxay Beelaha G/Nugaal diyaar u yihiin inay Taageero Maaliyadeed, Maskaxeeed iyo Mu ayidnimo siiyaan Maamulada Dalka ka dhismayah intii sharciga buuxisah.

4.      Beelaha G/Nugaal diyaar uma aha Colaad laga abuuro G/Mugug

5.       Diyaar uma nihin Waqooyiga,Bariga iyo Galbeedka G/Mudug in lagu daro G/Galgaduud ama meel kale

6.      Waaan si buuxdah usoo dhoweynaynaa Dhismaha Maamul ku meelgaar ah oo loo samayo Galgaduud iyo Koonfurta G/Mudug

7.       Waxaan kasoo horjeednaa cidkasta oo ku hamidah in Gobolka Mudug qabtiisa Puntland lagu daroh Gobolka Galgaduud ama Gobolkale

8.      Ka Gobol ahaan waxaannu diidaynaa kana soo horjeednaa cidkasta oo caqabd  ku ah Maamul u samaynta Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug

9.      Sila mid ah sidaas waxaannu cod dheer ku diidaynaa in Gobolka Mudug Qaybtiisa Puntland oo 17 Sano Sharci iyo Kala Damayni ka jirtay laysku dayo in si aan waafaqsanayn Tastuurka Puntland iyo kan Federaalkaba loogu daro meeel uusan horay uga mid ahayn

FIIRA GAAR AH

·         Waxaan ka shakisanahay Mawqifka Madaxweynaha Puntladn Prof Abdiwali Maxamed Cali Gaas ka qabo Gobolka Mudug

·         Dawlada Puntland warcad iyo mawqif adag kama yeelan Gobolka Mudug oo inka badan 5 Bilood oo hadal hayntiisa ah in Puntland laga jarayo socotay

·         Ka aamusnaanta Puntland iyo Mawqifka Madaxweynaha Puntland oo aan cadayn waxay cadaynaysaa Saxiixii horay loo sheegay in Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas Gobolkaas u saxixay inlagu daro Galgaduud Xiligii uu Raisalwasaaraha ka ahaa Dawladda Federaalka

GABA GABO

Waxaan marka kowaad iyo marlabaadba Cadaynaynaa in mawqifkayagu ka Gobol ahaan yahay sidaas kalaabdna uusan lahayn waxaan kale oo marlabaad ka codsanaynaa Xafiisyada Qoraalkaani khusayo inay si xushmadleh noola qaataan feker badbaadinaya Dalka iyo Dadka soomaaliyeed.

Wax garadka Baaqan soo saaray

1.       Nabdoon Cismaan Gureye Kaarshe

2.     Nabadoon Abshir Cali Halow

3.     Nabadoon Shoonbe Xaaji Maxamed

4.     Nabadoon Nuur Aaden Dibin Daabiyo

5.     Nabadoon Dheeliyo Maxamud Cadde

6.     Nabadoon Shaafici Xirsi Firato

7.     Nabadoon Khaliid Aw Cali

8.     Nabdoon Axmed Xaaji

9.     Ex Xildhibaan Saciid Diiriye

10.  Caawil Yusuf Cilmi Mataan

11.    Aqoonyahan Muse Farax Guure

12.  Siyaasi Maxamed Xaaji Aden

13.  Siyaasi daahir Ciiro

14.  Sheikh Saciid Cabdi

15.  Shiikh Jaamac Salaad

16.  Sheikh Saciid San dhumay

17.  Aqoonyahan Xiir sheikh Doon

18.  Aqoonyahan Cabdiqaadir Islaan Maxamed

19.  Aqoonyahan Saalim

20.Caaqil Prof Siciid cali Shire

21.  Caaqil Barre Nuux

22. Ganacsade Xaaji Yuusuf Cambe Cambe

23. Xaawo Xaji Muuse

24.Istar faarx Gaani

25. Muxubo Islaan Maxamed

26.Timiro Aw Muuse

27. Maryan Maxamud Cadde

28.Jamaad Nuur Barre

29.Sacdiyo Salaad

30.Marryan Qaasim

31.  Xaawo maxamud Degal

About The Author