Akhriso War-murtiyeedkii hore iyo kan maanta: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku ciyaaraya shacabka reer Puntland iyo Gaas oo ogolaaday

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay isbarbar dhigaysaa War-murtiyeedkii ka soo baxay Xamar 06 dii feb 2015 iyo kan maanta ka soo baxay Garowe iyagoo in badan isaga mid ah aysana sidii caadada u ahayd fulin DFS oo caadi ka dhigatay inaysan ku dhaqmin wixii lagu heshiiyo.

Haddii aynu soo qaadano Qodobka 1aad ee War-murtiyeedkii maanta Garowe laga soo saaray wuxuu ahaa QODOB 10aad ee War-murtiyeedkii 6dii feb 2015 DFS MA AYSAN FULIN!!

Hadii aynu soo qaadano  QODOBKA 6aad qaybtiisa qaybsiga Deeqaha Caalamiga EE WARMURTIYEEDKII MAANTA wuxuu ahaa QODOB 5aad ee War-murtiyeedkii 6dii feb 2015 DFS MA AYSAN FULIN!!

Marka koowaad waxani Heshiis maaha ee wuxuu ahaa War-murtiyeed. Marka labaadna DFS ´Dastuurkii dalka u yaalay bay diiday in ay fuliso ee ma waxay fulinaysaa War-MURTIYEED?

 

Mar hore waxaad hoos ka akhrisataa war-murtiyeedkii maant 02 may 2015 ka dibna akhriso kii 6dii feb 2015

War-murtiyeedkii Maanta, 02 may 2015, ayaa u qornaa sidan:

1- Fulinta iyo hirgelinta heshiisyadii horey loo gaarey: (EEG QODOBKA 10aad EE WARMURTIYEEDKII MAANTA 06 FEB 2015)

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, waxay isku afgarteen dardargelinta iyo fulinta dhammaan heshiisyadii ay horey u gaareen dhinacyadu, si arrintaas loo gaaro, waxaa lagu heshiiyey in la magacaabo guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas. Waxaana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomey heshiisyadii la galay.

2- Dastuurka iyo arrimaha federaalka:

In la dardargeliyo geeddi-socodka dib u eegista dastuurka, waxay madashu isku raacdey in la dhameystiro xubnaha ka dhiman guddiyada dib u eegista iyo kormeerka dastuurka ee ka imaanaya dowladaha xubnaha ka ah federaalka, sida ku cad qodobka 133 faqraddiisa labaad xarafka (a) iyo qodobka 134 faqraddiisa labaad.

3- Higsig 2016

  • Waxaa laysku raacay in dalka Soomaaliya ay ka qabsoomaan doorashooyin xor ah marka la gaaro 2016.
  • Waxaa lagu heshiiyey in talada geeddi socodka Higsiga 2016 ay ahaato mid loo dhan yahay.

4- Dhismaha dowladaha xubnaha ka noqonaya Dowladda Federaalka

a)- Dhismaha dowladaha ka mid noqonaya Dowladda Federaalka waa in uu ku saleysan yahay dastuurka kumeel gaarka ah.

b)- Waxay madasha wada-tashigu isku raacdey in dhismaha maamulka kumeel gaarka ah ee gobollada dhexe ee ay Dowladda Federaalku hoggaamineyso lagu saleeyo heshiiskii October 14, 2014 qodobkiisa 13aad ee ay isla gaareen Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland.

c)- Ergooyinka ka socda gobolka Mudug qaybta Puntland lagama qayb gelin karo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe.

5- Amniga:

a)- Dhismaha iyo isku dhafka ciidan qaran (Somali National Army).

b)- Waxaa laysku raacay in la hirgeliyo is-afgaradkii April 12, 2015 ee Ra’isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Dowladda Puntalnd Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasoo tilmaamayey in Puntland 3000 oo askari looga qoondeeyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo in Dowladda Dhexe ay la wareegto xuquuqda ciidankaas.

c)- In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageero guud siiso dowladaha xubnaha ka ah federaalka, gaar ahaan in Dowladda Puntland laga caawiyo la-dagaalanka argagixisada iyadoo cabsi laga qabo in argagixisadu kasoo gudubto xuduud-badeedka u dhexeysa Yemen iyo iyo Soomaaliya.

d)- In Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalku ay abuurto xiriir iyo is-kaashi joogto ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Amniga dowaldaha xubnaha ka ah federaalka, gaar ahaan arrimaha khuseeya amniga iyo la-dagaalanka argagixisada.

e)- In la diyaariyo qorshe mideysan oo looga saarayo ururka [Al-shabaab] deegaannada weli gacantooda ku harsan.

f)- In sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyo guddiga amniga qaranka sida ku cad dastuurka kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka, cutubka 10aad qodobka 111 (h) ee tilmaamaya dhismaha guddiga amniga qaranka.

g)- Si loo dardar geliyo xoreynta iyo xasilinta deegeennada, waxaa beesha caalamka laga codsanayaa inay tageero buuxda ka geysato dhismaha ciidan boolis oo ay leeyihiin dowladaha xubnaha ka ah federaalka oo ku filan sugidda amniga, degmo walbana loo qoondeeyo 200 oo askari oo boolis ah.

6- Wadaagga Khayraadka:

  • Ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah

a)- In khayraadka dalka Soomaaliya ku jira uu yahay hanti umadda Soomaaliyeed ay wada leedahay, lana dhiiri geliyo sidii looga faa’iideysan lahaa.

b)- In la sameeyo islamarkaana la dhameystiro dhammaan shuruucda ku aaddan ka faa’iideysiga iyo wadaagga khayraadka dabiiciga ah.

c)- Si loo dedejiyo sameynta shruucda qaybsiga khayraadka dabiicig ah, waxay madashu ku heshiisey in la magacaabo  muddo 45 cisho gudahood ah guddi ka kooban Dowaldda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah oo kasoo shaqeeya heshiis kumel gaar ah oo ku saabsan qaybsiga khayraadka dalka.

  • Qaybsiga deeqaha caalami ah iyo cabdiga cusub (New Deal) (EEG QODOBKA 5aad EE WARMURTIYEEDKII MAANTA 06 FEB 2015)

a)- Waxaa lay isla gartey inaan lagu qanacsaneyn loona baahneyn in dib u eegis lagu sameeyo cabdiga cusub (New Deal).

b)- Deeqaha lagu helo magaca Soomaaliyeed in loo qaybiyo si caddaalad ah iyadoo la abuurayo jawi keeni kara kalsooni iyo hufnaan lana dhiso guddi farsamo oo ka kooban Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowaladaha xubnaha ka ah federaalka.

7- Baahinta maamulka gobollada iyo degmooyinka

Waxay madashu isku raacdey in dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalku dedejiyaan dhismaha iyo dhameystirka maamullada gobollada iyo degmooyinka.

 

 

Halkan ka akhriso War-murtiyeedkii 06 dii feb 2015

War-murtiyeedkii 6dii feb 2015 ee Xamar laga soo saaray

Kulamadii Wadatashi ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland, Jubbaland iyo Koofur-Galbeed.

6 Febraayo 2015, Muqdisho: Iyaga oo ka jawaabaya martiqaad ay ka heleen Madaxwenaha Jamuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa booqasho qaadatay saddex maalmood ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho wafuud ay kala hogaaminayaan saddexda Madaxweyne ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Ujeeddada martiqaadka Madaxweynaha ayaa ahayd wadatashi ay yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka si argti Qaran oo midaysan looga yeesho arrimaha Soomaaliya. Muddadii saddexda maalmood ahayd waxay dhinacyadu yeesheen kulammo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah, waxaa ugu dambeyntii la isku raacay qodobbadan:

1. In la abuuro lana joogteeyo Madasha Wadatashiga Madaxda Saree e Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ah iyada oo kulanka soo socda lagu heshiiyay in lagu qabto magaalada Garowe, Bisha April 2015.
2. Waxaa jiri doona Guddi farsamo oo ka kooban dhinacyada oo dhan oo u xil saaran taabba gelinta howlaha Madasha. (LAMA FULI QODOBKAN)

3. Qorshaha lagu gaarayo Hiigsiga 2016 wuxuu ahaanayaa mid ay u wada dhan yihiin DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

4. Waa in la dardargeliyo dhismaha Dowlad Goboleedyada harsan iyo Guddiyada Dastuuriga ah ee Madaxa Bannaan si loo dhammaystiro hannaanka Federaalka.

5. Waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi heer Wasiirro ah oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ah kaas oo dib u eegis iyo dardergalin ku samayn doona qorshayaasha Cahdiga Cusub (New Deal) si loo xaqiijiyo in si siman looga wada faa’iideysto deeqaha caalamiga ah. (EEG QODOBKA 6aad EE WARMURTIYEEDKII MAANTA QAYBA QAYBSIGA DEEQAHA CAALAMIGA 06 FEB 2015)

6. Waxaa la isla gartay in Dowladaha xubnaha ahi oo dhami ay yeeshaan xafiisyo u xilsaaran isku dubba-ridka deeqaha caalamiga ah oo wadashaqeyn buuxda la yeelanaya Xafiiska heer Federaal.
7. In si wadajir ah dalka Soomaaliya looga suuliyo kooxaha arga-gixisada ah lana qaado talaabo kasta oo sahlaysa isku socodka.
8. In la de-dejiyo dhismaha Guddiga Dastuuriga ah ee Amniga Qaranka.

9. Inta la gaarayo Dhismaha Guddiga Amniga Qaranka, waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi ka kooban DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo ka talo bixiya qaabka ugu habboon ee la isugu dhafi karo, loona horumarin karo ciidammada Soomaaliya ee heer Qaran.

10. Waxaa la isku raacay in la meel mariyo dhammaan heshiisyada la galo. (EEG QODOBKA 1aad EE WARMURTIYEEDKII MAANTA 02 MAY 2015)

11. Waxaa la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa kalsoonida iyo midnimada ummadda soomaaliyeed iyada oo laga dheeraanayo wax walba oo carqalad ku noqon kara himiladaas.

12. Madaxda Sare waxay ka mahadceliyeen kaalmada joogtada ah ee ay Beesha caalamku la garab joogto Soomaaliya, waxayna ka codsadeen kaalmadaas in la kordhiyo lana joogteeyo.

DHAMMAAD

About The Author