Gaas oo ku Raacay Warmurtiyeedkii Xassan Culusow watay

Madaxweynaha Puntland Safarka ku ah Abdiwali Gaas, ayaa ku Raacay Warmurtiyeedkii Xassan Culusow watay. Guddigii Ergada Puntland ayaa ka diiday Ergadii Xasan Culusoow wax aan HESHIIS ahayn in ay ka soo baxaan Garowe iyagoo joojiyey wadahaladii, faahfaahin halkan ka dhagayso

Intaas ka dib Madaxweyne Gaas ayaa Dhabar-Jabiyay reer Puntland sidii la filayeyna ku raacay Xasan Culusoow. Sidii HESHIIS loo filayey ayaa  Maanta waxaa soo baxay Garowe Warmurtiyeed Ruwaayad ku dhisan oo Dadka Puntland lagu indha sarcaadin.

Waxgaradka Puntland ayaa waxay Xalay Isugu Bishaareeyeen inaan Madaxweyne Gaas dalka lagu fiirsan. Maanta ayaa la filayaa in uu Mar kale dalka ka dhoofo Madaxweynaha ugu Safarka badan Somalia Abdiwali Ali Gaas. Reer Puntland ayaa habeenkii xalay ahaaXanaaq Iyo Dhafoora Xanuun la seexdey Iyagoo leh Maxaa Gaas Dalka u dhiibay wuu Iibsaday Puntland.

Puntlandes.com

About The Author