DEG DEG: Ku-xigeenkii duqa degmada Gaalkacayo Yacquub oo iscasilay

Ku-xigeenkii duqa degmada Gaalkacayo Yacquub Maxamed Cabdallah ayaa saaka shaaciyey inuu xilkaas iska casiley.

Yacquub ayaa sababta uu isu casiley ku sheegay inuu ku fashilmey fulinta ballan qaadyadii uu sameeyey markii la dhisey golaha deegaanka ee Galkacayo, sidaas darteedna uu go’aan ku gaarey inuu xilkan iska casilo.

Qoraal uu kusoo daabacay bogga uu ku leeyahay Facebook ayuu ku yiri sidan:

2

 

Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo ayaa wax dawladnimo ah ka jirin mudadii ay jirtay Puntland iyagoo ay ka taliyaan Koox uu Hogaamiye Mr Gaadayare. Kooxda Gaadayare oo uu ninka labaad ka yahay Dhagaweyne ayaa u diida in uu xilkiisa guto Mas’uulkii loo soo magacaabo Gobolka iyo Xaruntiisa Gaalkacyo.Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xilka ka qaadey guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey una soo magacaabey xilkaas Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg, isagoo ilaa hada tegin Gobolka lana wareegin Xilkii loo magacaabay.

Wixii war ah oo ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author