Dhageyso: Guddiga qaban qaabada shirweynaha mindimada Puntland oo maanta shaaciyay goorta shirka la qabanayo

Garowe (Pes) Guddiga qaban qaabada shirweynaha wadatashiga iyo midnimada Puntland ayaa maanta faahfaahin ka bixiyay qabashada shirka.

Afhayeenka guddiga qaabada Siciid Sheekh Xasan oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay shirku la qabadoono 15 bishaan may ee aan ku jirno, kaasoo lagu qaban doono xarunta Barlamaanka Puntland.

Afhayeenku wuxuu sheegay ujeedadu inay yahay sidii bulshada reer Puntland iyo dowladdoodu uga tashan lahaayeen midnimadooda, sidoo kalena lagu saxo wixii qaldan.

Siciid Sheekh ayaa sheegay inay shirkaas ka qaybgeli doonaan dhamaan bulshada reer Puntland qaybahooda kala duwan.

Halkaan ka dhageyso codka afhayeenka


Puntlandes.com

About The Author