Balanqaadkii 6da Qodob ee madaxweyne Gaas: Cadaalada iyo dib u habaynta Ciidamada

Waxaa inoo socday 6dii Qodob ee Madaxweyne Gaas balan Qaaday, waxaanna horay usoo sheegnay Amaanka iyo Mushaarka ciidamada, markaanna waa cadaaladda iyo Dib u habaynta ciidamada iyo shaqaalaha dawladda.

1.  Cadaaladda:

Arimaha Cadaaladda waa kuwa saldhig u ah Jiritaanka Dawladnimada iyo kalsoonida shacabka sidaas darteed cadaaladu waa Qaybo badan oo kala duwan balse aan kasoo qaadanno qaybaha Madaxweyne Gaas balanqaaday iyo inay fuleen.

·         waxaa lasiidaayay C/risaaq Xuseen Tahliil oo ahaa Dhagar Qabe Al-shabab ah sheegtayna inuu dilkooda masuulka ahaa dad badan oo Reer Puntland ah kaaso Sanadkii 2013 ciidanka amaanku Magalada Galkacayo kusoo qabteen isgoo sitay jaakadaha laysku qarxiyo, Bunbooyin iyo waxyaabaha Qaraxa laga samayo loonasoo bandhigay Warbaahinta waxyaabahaas, dhagarqabahaas oo maxkamadi ku xukuntay dil toogasho ah hadaba mawaxaa cadaalad ah Wareegtada Madaxweyne Gaas kusiidaayay Dhagarqabe laayay Culimo,Siyaasiyiin, saraakiil ciidan, Aqoonyahan iyo Dad biri maygaydo ah walina u ooman inuu laayo umad aan waxba galabsan hadaba waxaa lagu abaal mariyay dhagarqabahaas in 16-12-2014,  habeen Garoowe gaari qafilan lagaga qaado isagoo waliba ay ilaalinayaan gawaari ciidan si xaraga ahna loo geeyay magaalada Gaalkacyo sidii wafti.

·         Cadaaladu ma laxisaabtan la’aanta Dambiilahii 7-4-2014 Garoonka Galkacayo ku laayay 2 ka mid ah Shaqaalaha Qaramada midoobay gaar ahaan Hay’adda UNODC kaas oo aan wax cadaalad ah lahorkeenin.

·          Cadaaladdu ma waxaa weeye Dambiile Burcad Badeed ah in Madaxtooyadu Xoog kagala baxdo Maxkamada G/Nugaal dhexdeedbaa 7-4-2014, loogana hiiliyo cadaaladda.

·         Cadaaladu mawaxa weeye in Awood Dawli ah lagudifaaco Dambiile martigaliyay Argagixiso kuwaas oo 8-2-2015, soo weeraray Guriga Taliye Ku xigeenka Booliska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Aw Muuse, hadaba waa kuma dambiilahaas Madaxweyne Gaas difaacay, waa Ganacsade lagumagacaabo Xiris Aduunyo oo ah jifida hoose ee M Gaas waxuuna Ganacsadahaasi ku gacansiiyay Gawaari ay ku hawlgalayeen waxuukaloo siiyay guriga ay deganaayeen sida ay sheegeen qaarkamid ah oo nolol lagu qabtay,

·         Cadaaladu mawaxay noqotay tirtirdda Sarakiisha iyo shaqaalaha xukuumaddii hore ku sinaa, intaas kaliya maaha cadaalad darada madaxada Puntland ku maamusho dalka.

 

Qabta 2aad

Dib u habaynta Ciidamada iyo Shaqaalaha dawladda:

·         Dib u habaynta ciidamadu maxay noqotay ruqsaynta ciidamadii Qaranka oo lagaliyay maal, maskax iyo wakhtiba kuwaas oo qabay tababaro dibadda iyo gudahaba ah taas badalkeedana lagu badalo dhalinyaro Miyiga iyo Tuulooyinka Gobol gaar ah lagasoo ururiyay.

·         Dib u habayntu maxay noqotay in shaqaalihii Dawladda Xidida loo siibo iyagoo lakeenayo kuwa lagu keenay dhabar kataabasho ama aaminaadda mabda’a koox gaar ah

·         Dib u habayntu ma waxay noqotay hebel liiska ka saar oo hebel ku badel

Lasoco Qaybta dame

Puntlandes.com

About The Author