Fadeexad-XOG: Inuu Gaas Fashilmay waxaa ka marag kacaya xaalada murugada leh ee ka jirta Gaalkacyo

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas isagaa ah madaxweyne ka ah isagaana lagulula xisaabtamayaa wax kasta oo ka dhaca Puntland inta uu madaxweyne ka yahay Puntland. Inuu Fashilmay Gaas waxaa ka marag kacaya xaalada murugada leh ee ay ku sugan tahay magaalada dhaqaalaha faraha badani ka soo xaroodo isla markaasna ah xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo oo BIYO qaadeen.

Magaalada Gaalkacyo waxay ku sugan tahay iminka xaalad DEG DEG ah oo aad u xun iyadoo Suuqyada magaalada ay intooda badan xiran yihiin waxaa taas ka sii daran qaar ka mid ah xaafaddaha Gaalkacyo waa laga QAXAY,maaddama ay biyo badan guryaha ugu soo galeen,sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes. Xaafadaha laga QAXAY waxaa ugu liita tan Suuqa wayn ku yaalo ee magaalada Xudunteeda ah.

Waxaas oo dhan waxaa ka sii daran oo ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes in ugu yaraan inta naloo xaqiijiyey ay ku dhinteen afar caruur ah oo ku dabaalanayey godod biyo galeen kadibna ay DHOOQO ku dhagtay caruurtaas oo ay ku dhinteen.

Gaas Puntland isagaa madaxweyne ka ah mas’iuuliyadna ka saaran tahay isagoo og dhibaatada ka jirta wax uu ka qabto iska daaye uusana oran ha la caawiyo ayuu shalay diyaarad ka qaatay Garowe una duulay KENYA ka dibna Talyaaniga…. War ninku DAMIIR ma leh miyaa mise saanaaba ka daacad ah?

Dhaqaalaha Gaalkacyo ka soo Xarooda xaguu maraa?

Waxaa magaalada Gaalkacyo ka soo xarooda canshuur aad u farobadan oo waa magaalo Ganacsi dadkeeduna uu aad u badan yahay. Waxaa intaas sii dheer waxaa ku yaala garoonka ugu mashuulka badan inta u dhaxaysa Hargaysa ilaa iyo Xamar. Waxaana ka soo xaroota Abdulahi Yusuf airport lacag aad u farobadan.

Lacagtaas waxaa maamula oo QEERIINKA ku qaybsada KOOXDA GAADAYARE uu madaxda u yahay ku xigeenkana uu ka yahay Dhagaweyne. Waa kuma GAADAYARE?  wuxuu ku magacaaban yahay ilaa 1999 kii Agaasimaha Maaliyada Gobolka Mudug, laakiin waa ninka xukuma Gobolka Mudug. Waa kuma Dhagaweyne? wuxuu ku magacaaban yahay ilaa 1991 kii Maareeyaha Abdulahi Yusuf airport. laakiin waa ninka labaad ee xukuma Gobolka Mudug.

Dhibaatada maanta Gaalkacyo haysata

Waa u muuqatay qof kasta maxaa yeelay Gobolka Mudug wax maamulihi kamaba han qaadin tan iyo intii Puntland la aasaasay oo KOOXDA GAADAYARE ayaa xukuntay ninkii loo soo magacaabana hadduu diido in uu magac u yaal noqdo xilka way ka qaadan ama waxa ku qasbaan in uu iscasilo sida tii maanta u dambaysay ee uu isku casilay ku xigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo oo ay Kooxdu ku qasabtay in uu iscasilo. Mee Gudoomiyihii Cusbaa ee uu sioo magacaabay madaxweyne Gaas Garowe ayuu martida ku soo dhaweeyaa sidii kii isga ka horeeyey ee Tigey maxaa yeelay Gaalkacyo niman ayey u xiran tahay oo ISBAARO U TAALAA, dadka reer Gaalkacyana Canshuurtaa laga qaadaa hal shilina dib looguma celiyo bal dhibaatada dadkaas haysata daya!!!!

Dawladii Puntland way ka seexatay maamulkii magaaladana waa hawlgab oo dhaqaale iyo awood uu wax ku qabtana ma haysto; yaa u maciina Reer Gaalkacyood. Soomaalidaa waxay tiraahdaa “Ri walba shilalkay isdhigtaa lagu qalaa” reer gaalkacyood iyagaa maanta halkaas isdhigaye ha cunaan mirihii ay BEERTEEN weeye waxa maanta horyaalaaye?

 

Halkan ka dhagayso Duqa magaalada Gaalkacyo oo Xaaladda magaalada Gaalkacyo ka jirta ka waramaya

Hakana ka daawo dhibaatada lixaadka leh ee haysata reer Gaalkacyood, markay biil waayeen ayaa waxaa dadtu baday inay Biyaha Musqulaha soo jabsaday inay ku dhex ganacsadaan, YAAB!!!!!!

Xigasho sawirada;Raxanreeb.com

13a
Dadkani waa Canshuur bixiyaal maxaa lagu soo celiyey?
14
Islaantan Canshuur ayey ka qaataan subax wakba!!!!
14a
Canshuur bixiyaal kale oo ku dhex ganacsanaya Biyo JEERMIS leh
14c
Ugu yaraan Afar Caruur ah ayaa Pes loo xaqiijiyey in ay DHOOBO ku dhegtay oo dhinteen

Puntlandes.com

About The Author