Waxgaradka Puntland oo Dhambaal Codsi ah u diraya Madaxweynaha Puntland, Kana Codsaday inuu Shirka Wadatashiga ku wareejiyo Isimada

A

Anagoo kamid ah Waxgaradka Puntland Waxaan Marka hore u Mahad-celinayaa Madaxweynaha Puntland Abdiwali Maxamed Cali Gaas, Siduu u Balan-qaaday Gogoshii Shirka Wadatashiga Puntland.
Hadaba Waxaan la soconaa inuu Shirkaasi Soo dhawaaday Lana qaban doono Bisha May 2015, Isla markaana ey bixin doonaan Kharashaadkiisa UN. Anagoo og Ahmiyada Shirkaas Iyo Xiliga lagu jiro Waxaan isla qaadanay in Shirkaas uu Hogaamiyo Boqorka Daarood oo Kaashanaya Isimada Iyo Waxgaradka Puntland.
Waxaan la soconaa in Shirarkii Puntland lagu dhisay 1998 lagu dhisay Dhaqan oo Marka hore Talada Gacanta loo gashay Isimadii Puntland, Waxaan sidoo kale Xasuusanahay Shirkii 1993 Garowe uu ahaa mid ey Hogaaminayeen Isimadii Puntland. Waxaan sidoo kale Xasuusanahay Shirkii Congress Qardho 1994 uu ku fashilmay Gacanta Siyaasiyiinta. Hadaba Anagoo og Xaalada Reer Puntland Iyo kala fogaanshaha soo kala Galay Walaalaha Reer Sool Iyo Sanaag, hadana u baahan in Dib u Soo celintooda Iyo Hishiiskoodaa saldhig u noqon kara Dhaqanka Iyo Isimada Puntland. Waxaan qireynaa Kaalinta Isimada Puntland iney tahay mid Mihim oo loo baahan yahay in laga faa’iideysto. Waxaan kaloo og nahay Shirkan inuu noqon karo mid horseed u noqda Puntland-ta cusub Hadii aan la Siyaasadeyn oo loo Gacan-daayo Isimada Iyo Waxgaradka oo ey Dowladu ku ikaato Martigalinta Iyo Sugitaanka Amniga.
Anagoo kamid ah Dadka Talada Puntland wax ku leh, Anagoo kamid ah Dadka Puntland Jecal, Anagoo kamid ah Dadka Puntland ee raba inuu Shirkan Guuleysto Waxaan Jecal-nahay in Talada Shirka lagu Wareejiyo Boqorka Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse, Iyo Isimada Puntland oo Kaashanaya Waxgaradka. Waxaan Hubnaa Hadii Isimada Iyo Boqorka Daarood Talada loo daayo inuu Shirkaasi Raja yeelan doono, Waa hubanti ah Hogaaminta Shirka inuu Fure u noqon doono Fashilka Iyo Guusha Shirka. Anagoo og Fursadan iney Adkaan doonto in dib loo helo Hadii ey lunto, Waxaan Madaxweynaha Puntland Ka Codsaneynaa inuu Tixgaliyo Codsigan Ka yimid Shacbkiisa oo Shirka lagu Wareejiyo Boqorka Daarood Boqor Burhaan oo hada ah Isim lagu wada kalsoon yahay. Waxaan Madaxweynaha Puntland lee nahay Waxaa Adiga Iyo Anagaba Sharaf Iyo Guul Noo ah Shirku inuu Guuleysto oo Dadka Puntland ee kala Irdhoobay dib la Isugu cesho loona walaaleeyo lana Xaliyo Khilaafaadka dhexdooda. Anagoo ujeedna Qiimaha Shirka Iyo Sida lagu gaari karo Guusha Shirka Waxaan Ugu danbeyn kaa Codsaneynaa Mudane Madaxweyne Abdiwali Gaas, Inaad naga Aqbasho Taladan oo Shirkan la Bad-baadiyo.
Bayaankan Waxaa Ogalaaday iney Taageeraan Aragtida kor ku xusan Raga Iyo Dumarka ku qoran Magacooda  ee Waxgaradka Reer Puntland ah.
Abdrisaaq Jaamac Cumar, Uk
Siciid Abdilaahi Uurcad, Uk
Dr Yuusuf Ismaaciil Ciise, Bossaso
Abshir Cali Siciid,  Sweden
Shaakir Maxamed Xaaji Guuleed, Uk
Faarax Maxamuud Warsame Islaan Austerlia
Muxidiin Cali Olol, Cumaan SALALAH
Sakariye Maxamed Isticmaar, Cumaan
Warsame General Cismaan Saalax, Uk
Jaamac Ali Beyer, Istanbul Turkey
Deeq Cali Hayaan, Norway
Abdirxmaan Abdi, Ohio Usa
Abdixamiid Siciid, Bossaso
Ilyaas Abdi Maxamed Dinix, Uk
Cawil Sheekh Cismaan, USA
Abdisalaan Siciid Faarax, Calafornia
Maxamed Daahir Caynsane, Garowe
Abdiqaadir Xirsi, London Uk
Abdinaasir Mire Aadan, COBOL Yare Sweden
Abdiwahaab Abdi Xaashi, South Africa
Maxamuud Sheekh Axmed Abdule Sweden
Bootaan Axmed Bootaan Garowe
Saalax Yuusuf Dirie, Sweden
Mukhtaar Ali Abdi Dheere Austerlia
Maxamed Xussien Bile Geele Okay, India
Abdirisaaq Boqor Cumar Ismaaciil Saweyne. (Sheekh Aduun ) Sweden
Abdirishiid Cumar Sahal, Cumaan
Maxamuud Abdilaahi Ali Kaarad, India
Ciise Maxamed Ciise Islaan, Gaalkacyo
Abdirisaaq Salaad Xareed, Geneva
Cismaan Shaafici Garyar, Uk
Siciid Garaad, Sweden
Axmed Cilmi, Uk
Maxamed Siciid Waqooyi, UAE
Mahad Maxamuud Cigaal, Garowe
Abdifataax Jaamac Janagale, Finland
Maxamed Cismaan Beylkariye, Uk
Rabiile Xaaji Jaamac, Kuwait
Abdirixmaan Jaamac Dhabi, Laascaanood
Maxamed Faarax Dheere, Dubai
Axmed Ilweyn, Zambia
Yuusuf Cali Guul, Cairo Egypt
Alidhuux Samantar, USABLE
Abdixakiin Minjirt, Boston Usa
Maxamed Xassan, Kiev Ukrain
Dr Maxamuud Giryaamo, Belgium
Khaalid Abdiaahi Cilmi, Texas USA
Abdulaahi Bashiir Biixi, Gaalkacyo
Abdisalaan A Jaamac, USA
Jibriil Maxamuud Barre, Zambia
Dalmar Xaaji Cali, Paris
Faarax Yuusuf Ciise, Denver Usa
Abdirixmaan Axmed, Garowe
Bashiir Axmed Kooreeye, Buuhoodle
Najiib  Jaamac Axmed , Germany
Abdiqani Saalax Yuusuf, Alberta Canada
Abdulkadir Maxamuud, Pakistan
Siciid Qaas, Sweden.
Maxamed Liibaan Timire, Holland
Nuradiin Xaaji Cali Salaad, Uk
Cismaan Maxmauud Cali Gooni, Pakistan
Yaasiin Iidaale,
Cabdirishiid Saalax, Copenhagen Denmark
Maxamed Siciid Abdulaahi ( Ina-dhagacade) Pakistan
Saacid Cali Warsame  Dude, Nairobi Kenya
Abdiyare Xaashi Xassan, Arkansas USA
Maxamed Xaaji Maxamuud Majoogaye. Sweden Yaasiin Iidaale, Jeddah Saudi-Arabia
Keenadiid Abdulaahi Aadan Gurey, Paris
Abdifataax Cabaas
Cabdisataar Muuse Gardaro, Bossaso
Sharqi Xassan, Garowe
Siciid Abdijamaal, Malaysia
Abulaahi Siciid Saalax, Philippine
Dalmar Xassan Guuleed, Carmo
Axmed Jaamac Axmed, Waaciye
Yuusuf Cali Xirsi, Laascaanood
Faarax Xassan Cabdi, Garowe
Deeqa Ladane Saalax Deer, Canada
Deeqa Khaliif Yeey, Uk
Naciimo Maxamed Cawaale Liibaan, Canada
Khadra Abdi Jaqaf. Nairobi
Zahra Aangalo, Uk
Hodman Dhoobaale, Nairobi Kenya
Hodan Cilmi Shire, Sweden
Samiiro Xaaji Ibraahim, Sweden
Abshiro Cali Kheyere, Buuhoodle
Cibaado Cismaan Gaala-Eri, Saudi Arabia
Nuura Maxamuud Cismaan, Holland
Hamdi abdulle abdulahi (hamdi bulo) Nairobi kenya
Sharaf Xaaji Gurbe, Sweden
Kaafiya Xaaji Abdi, Norway
Canab Muuse Cali Ilweyn,Uk
Ismahaan Cali, Nairobi Kenya
Ubax Axmed Maxamed, Garowe
Ruqiyo Bile,
Barliin Xasan Cilmi , Laascaanood
Muniiro Ibraahil Cilmi,
Bishaaro Abdirixmaan, UAE
Caasha Faarax Barre, Uk
Fatima Abdirixmaan Abshir, Nairobi
Maryan Abdi Cumar, Denmark
Faadumo Yuusuf Cilmi, Atlanta Georgia Usa
Barni Xassan Jaamac, Dublin Ireland
Khadra Axmed Jaamac, Paris France
Ijaabo Abdirixmaan Farayare, Virginia USA
Xaliimo Geele Dulyar, Ohio Usa
Muriyo Axmed Muumin, Jeddah Saudi-Arabia
Baxsan Yuusuf Faragoos, Norway
Idil Jaamac Keytoon, Michigan Usa

About The Author