Akhriso: Magacyada guddiga uu Gaas u saarey qabanqaabada shirka wadatashiga PL

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddi ka kooban 11 xubnood u saaray qaban qaabada iyo isku dubaridka shirka wadatashiga Puntland. Shirka oo la sheegay inuu qabsoomi doono bishan May 15-keeda, waxaa ajandeyaasha looga doodi doono ugu muhiimsan:

  1. In dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii bulsho ee Puntland lagu dhisay 1998.
  2. Xal u helidda colaadaha qabaliga ah ee soo noq noqda.
  3. Hirgelinta siyaasad maamul oo fur-furan kuna saleysan nidaamka axsaabta badan.

Xubnaha guddiga oo laga soo kala xuley shanta gobol ee kala ah Bari, Nugaal, Mudug, Sool iyo Sanaag, waxay magacyadoodu kala yihiin:

Nugaal:
Maxamuud Sheekh Xaamud
Maxamuud Xaaji Yuusuf

Bari:
Cabdullaahi Cali Qood
Cabdiqaadir Axmed Ibraahim Xarago
Maxamuud Xaaji Saalax

Mudug:
Maymuun Faarax Sonkor
Cabdinaasir Maxamuud Gurey

Sanaag:
Jamac marawayn
Xubinta kale ee Sanaag weli ma helin magaceeda.

Sool:
Maxamed Jibriil Caateeye
Axmed foortayn

 

Puntlandes.com

About The Author