Muuqaal-sawirro: Xukuumada Somalia oo ku wareejisay Gudiga dib u eegista Dastuurka heshiisyadii GWQ ee aysan Puntland qaybta ka ahayn

11 June 2023 (Puntlandes) Guddoomiyaha Guddiga Dib u Eegista iyo La Socodka higelinta Dastuurka Xildhibaan Huseen Iidow oo uu wehliyo Xoghayaha guddiga Senator Siciid Cabdi Xuseen {Cawke}, ayaa maanta Wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Maxalin Maxamuud kala wareegay heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka, si loogu bedelo luuqad Dastuuri ah.

Heshiisyada ay maanta la wareegeen Guddiga La-Socodka, si loo geliyo wax-ka-bedelka Dastuurka iyada oo la adeegsanayo gudiga madaxa bananaan ee dib-u-eegista iyo Wax ka bedelka dastuurka ayaa kala ahaa.

1.Heshiiska Hannaanka Federaalaynta Garsoorka Decenber, 2022

2.Astaynta awoodaha Hay’adaha Dowladda December, 2022

3.Heshiiska astaynta iyo Wadaagga daqliga Maarso 2023

4.Heshiiska qaab dhismeedka amniga Qaranka Maarso 2023

5. Heshiiska Hannaan Doorashooyinka Qaranka Maarso 2023

Heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka ayeysan Puntland qaybta ka ahayn, waxayna tani ka dhigan tahay in aan Puntland loo baahnayn horayna looga soconayo la`aanteed.

About The Author