Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo si adag uga horyimid hannaanka Xikuumadu ku wareejinta heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran

11 June 2023 (Puntlandes) Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayaa si adag uga horyimid hannaanka Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka u soo maray ee ay Guddiga dib u eegista Dastuurka ugu wareejiyay heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran.

Guddiga Joogtada ayaa isla gartay inuu Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka dib ugu celiyo nuqulada uu la wareegay, isla markaana la soo marsiiyo habraaca gudbinta heshiisyada iyo Hindise sharciyeedyada waafaqsan Dastuurka KMG.

Warsaxaafadeed kasoo kasoo baxay Guddiga ayaa lagu yiri “guddiga ayaa si adag uga horyimid hanaanka uu soo maray Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka, kaas oo Guddiga Kor-joogteynta iyo La-socodka Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ku wareejiyay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee Golaha Wasiiradda ay meelmariyeen. Guddiga ayaa isla gartay in Guddoomiyaha guddiga uu dib ugu celiyo nuqulada warbixinta uu maanta la wareegay islamarkaana la soo marsiiyo habraaca gudbinta heshiisyada iyo hindise sharciyeedyada si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee JFS”

About The Author