Sawirro: Ergeyga Gaarka ah ee Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo booqasho shaqo ku tagtay Garowe

10 June 2023 (Puntlandes) Ergeyga Gaarka ah ee Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa maanta booqatay magaalada Garowe halkaas oo ay kula kulantay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubnaha la shaqeeya oo ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin doorashooyinkii tooska ahaa ee dhowaan dhacay, baahiyaha bini’aadantinimo, dadaallada nabadda iyo dowlad-dhisidda, iyo taageerada Qaramada Midoobay.

Ayadoo ka hadlaysay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dhawaan ka dhacay Puntland, ayay Ergeyga Gaarka ah ee Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay Catriona Laing shirkeeda jaraa’id ee Garoowe ugu hambalyaysay dadka Dawlad Goboleedka Puntalnd, waxayna tiri , “Tani waa horumar weyn oo ay Puntland u qaaday dhinaca dimuqraadiyadda, waxayna sidoo kale muujinaysaa horumarka qaybaha kale ee Soomaaliya.”

About The Author