Muuqaal: Boqor Burhaan “dagaalka Garowe waxaan kubaaqayaa in lajoojiyo, xal ma keento xabbadu wadahadalka .. Isimaduna Shir deg-deg ha isugu yimaadaan”

20 June 2023 (Puntlandes) Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda Garowe, isagoo ku baaqay in Isimada Puntland shir lagu badbaadinayo Puntland oo deg deg ah isugu yimaadaan.

Boqorka ayaa yiri ” Waxa ka dhacay Maanta magaalada Garoowe waa wax aad looga xumaado, iyada oo la galay bilihii xurmada, waxaan ku baaqayaa in dagaalka la joojiyo, xal ma keento xabbadu wadahadalka iyo miiska haloo soo noqdo, Isimaduna Si deg-deg shir ha isugu yimaadaan”

About The Author