Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo baaq nabadeed u diray shacabka iyo waxgaradka reer Puntland

20 June 2023 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo rabshadaha iyo qalalaasaha ka socda magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalku uusan xal u ahayn khilaafka siyaasadeed, waxaana uu maamulka Puntland, oo ay ugu horreeyaan Odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ku aaddan daminta colaada, lagana shaqeeyo xasiloonida deegaanka oo ay caan ku yihiin dadka reer Puntland.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ku booriyay wax kasta oo keeni kara kala aragti duwanaansho siyaasadeed in lagu xaliyo miiska wadahadalka, iyadoo la dhowraayo nabada isla-markaana aan la barakicin shacabka, isagoona Alle uga baryay intii ku dhimatay inuu naxriistiisa janno ka waraabiyo inta ku dhaawacantayna Eebbe caafimaad deg deg ah siiyo.

About The Author