Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin oo baaq nabadeed udirtay hogaanka iyo Shacabka Puntland.

20 June 2023 (Puntlandes) Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji samatar ayaa baaq nabadeed udirtay hogaanka iyo Shacabka Puntland. Iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalada ka socda magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Guddoomiye Sacdiyo ayaa Isimada, ganacsatada, ururada bulshada iyo siyaasiyiinta ugu baaqday in ay qaataan kaalintooda ku aaddan joojinta dagaalka, lagana shaqeeyo nabada iyo xasiloonida deegaanka

Puntlandes.com

About The Author