Muuqaal: RW Xamse “Amni-badantii Garoowe in lagu diriro dan ma aha, halla joojiyo colaadda hana la wada hadlo”

20 June 2023 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday iskudhacyadii nasiib darrada ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobolleedka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay wax kasta oo la isku hayo lagu xalliyo jidka wadahadalka iyo is fahamka.

Xamse ayaa yiri “Amni-badantii Garoowe in lagu diriro dan ma aha, halla joojiyo colaadda hana la wada hadlo”

About The Author