Islaam Bashiir oo ka hadley Dagaalkii Garoowe baaqna soo saaray

20 June 2023 (Puntlandes) Islaam Bashiir Ilaan Cabdile oo ah Isinka guud ee gobolka Mudug ayaa ka hadley Dagaalkii maanta ka bilowday caasimadda Puyntland ee Garoowe, wuxuuna ku baaqay in deg deg xabadda loo joojiyo wadahadalna loo furo.

Hoos ka akhriso qoraalka Islaanka:

Ugu horrayn waxaan uga tacsiyeynayaa dhammaan intii ku dhimatay dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Garoowe, sidoo kale waxaan Alle uga baryaya in uu u boogga dhayo dhammaan intii dhaawacu uu ka soo gaaray.

Intaas kadib, waxaan baaq nabadeed u jeedinayaa dhinacyada ku dagaalamaya magalada Garoowe in ay xabada joojiyo.

Waxan dhinacyada ugu baqayaa in dhamaan khilaafaadyada lagu xalliyo wada hadal iyo Gogol nabdeed.

Waxaan mar labaad adkeynayaa in Dowlada iyo Dhinacyada kalaba ay muujiyaan is xakameyn ilaaliyaanna daganaanshaha iyo amniga magalada Garowe iyo guud ahaan Puntland.

Islaan Bashiir Islaan Abdulle

Mahad Sanidiin.

About The Author