DEG DEG – Daryanka hubka culus ayaa iminka ka bilowday Caasimadda Puntland ee Garowe

20 June 2023 (Puntlandes) Daryanka hubka culus ayaa iminka ka bilowday Caasimadda Puntland ee Garowe taasoo ka dhignaanaysa in waxba kama jiraan ay tahay xabad joojintii isimada Nugaal ku dhawaaqeen saacado kahor.

Sida wararku sheegayaan xabada ayaa ku bilaabatay ka dib markii Ciidamada PMPF iyo Madaxtooyada weerar ku qaadeen guriga Gen Jamcaale Jaamac Takar.

Rasaas aad u culus ayaana laga maqlayaa koonfurta galbeed ee caasimadda Garowe.

About The Author