Madaxweyne Deni oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo ku-xigeenadiisa, magacaabayna…

 24 June 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo ku-xigeenadiisa, isagoo magacaabayna kuwa cusub.

Xilka ka qaadista guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Xassan (Cawil Mataan) iyo ku-xigeenadiisa ayaa timid iyadoo ay Garowe ka dhacay dagaal qaraar 20kii June kaas oo u dhaxeeya xukuumadda Deni iyo siyaasiyiin diidan muddo kororsiga uu ku hawlan yahay.

Hoos ka akhriso xeer madaxweynaha:

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 31 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo ku-xigeenadiisa

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiraxamaan Abshir Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nuraal

2. Waxaa Mukhtaar Faarax Jeer loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-AAD Gobolka Nugaal

3. Waxaa Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-AAD Gobolka Nugaal

4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

About The Author