Gudoomoyaha cusub ee Gobolka Nugaal & kuxigeenadiisa

25 June 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddoomiyaha Gobolka Nugaal u magacaabay, Cabdiraxamaan Abshir Faarax [Qaan-qaan] oo hore u soo noqday Taliyaha Qaybta Booliiska isla Nugaal.

Mukhtaar Faarax Jeer ayuu u magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-AAD Gobolka Nugaal halka Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-AAD Gobolka Nugaal.

Magacaabistaan iyo kwo kale oo badan ayey Madaxtooyadu shaacisay xalay xili dambe.

About The Author