Isimadda SSC: Madaxweynaha Somaliland iyo Taliyihiisa ciidamadu oo madaafiic aan kala sooc laheyn ku garaacay Laascaanood

 24 June 2023 (Puntlandes) Isimadda SSC ayaa sheegay in ka dib hanjabaadii ay jeediyeen Madaxweynaha Somaliland iyo Taliyihiisa ciidamadu 18kii bishan, oo ahayd in aysan waxba reeban doonin, ka dib ay maanta xaqiijiyeen warkaas oo ay madaafiic aan kala sooc laheyn ku qaadeen magaalada Laascaanood.

Isimadda SSC ayaa qoraal ku yiri “Muuse Biixi iyo Taliyihiisa Ciidamada Militariga waxa ay 18kii bishan ee Juun 2023 sheegeen in aysan qadarin doonin sharciyada dagaalka iyo qawaaniinta caalamiga ah ee bani’aadannimada, hadana duqeymaha aan loo meel dayin ayey kaga dhabeeyeen balamihii ay qaadeen. Muuse Biixi iyo kooxdiisa waxa ay geysanayaan dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhana bani’aadannimada”


Isimadda ayaa ugu baaqay DFS in ay qaado talaabo deg deg ah waxayna qoraalka ku yiraahdeen “Waxaan ugu baaqeynaaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gudato waajibaadka ka saaran badbaadinta xuquuqda shacabkeeda ee uu damaanad qaadayo dastuurka; sidoo kale, waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa in ay dhawraan shuruucda caalamiga ah iyo in ay ilaaliyaan dadka rayyidka ah ee magaalada Laascaanood. Dambiyada socda ee ay galayaan Muuse Biixi iyo kooxihiisa siyaasadda iyo kuwa militariga waa in la diiwaangaliyo si loo horkeeno cadaaladda iyada oo la marayo maxkamadaha sharciga ah ee Gobolka iyo kuwa Caalamiga ah” ayaa lagu yiri warka Isimadda.

About The Author