Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burtinle “Waxan ka hortagayna in la fashiliyo dimuqraadiyada”

12 Sep 2023 (Puntlandes.com) Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burtinle oo tiradoodu ay atahy 19 ayaa ka horyimid midow ay sameeyeen Ururo ka tirsan kuwa siyaasadda Puntland.

Qoraal ay soo saareen ayey ku yiraahdeen “Waxan ka hortagayna in la fashiliyo dimuqraadiyada”

Xisbiyada Siyaasadda ayaa is af-garad ku gaadhey in ay qayb-sadaan maayirrada iyo ku-xigeennada soddonkii degmo ee doorashada qof iyo cod ka dhacay balse waxa isa soo taraya xildhibaannada degmooyinka qaar oo ka walaacsan heshiiska xisbiyada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Saciid (Juxaa) oo ka falceliyey arrintan ayaa waxa uu soo jeediyey in lagu kala baxo tartan Sanduuq.

About The Author