Muuqaal-sawirro: Xoghayaha amniga iyo difaaca SSC-Khaatumo oo booqdey Saldhiga dhexe ee Ciidanka Booliska ee Laascaanood

28 Sept 2023 (Puntlandes.com) Xoghayaha amniga iyo difaaca maamulka SSC-Khaatumo Maxamuud Yuusuf Xasan ayaa booqdey Saldhiga dhexe ee Ciidanka Booliska magaalada Laascaanood.

Xogahayaha ayaa ka dhagaystay Taliyaha Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo Taliye Gowrac warbixino ku saabsan nidaamka ay u shaqeeyaan iyo amiiga Magaalada Laascaanood.

Xoghayaha ayaa waxa kulan la qaatey sarakisha xabsiyadda Dhexe ee gobolka Sool kulanka ayaa darrana isbarasho iyo wada shaqeynta xoghayaha amniga iyo difaaca maamulka.

About The Author