Muuqaal: Munaasabad lagu Soo dhaweynayey Wasiirka Cadaalada & Dastuurka Jubaland oo ka dhacday Kismayo

28 Sept 2023 (Puntlandes.com) Waxaa magaalada Kismayo ee caasimadda KMG ah ee Jubaland ka dhacday munaasabad heerkeedu aad u sareeyey oo lagu soo dhaweynayey Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Jubaland Cabdiwali Xusseen Jaamac ( Cabdiwali Biixi).

Munaasabada ayaa waxay ka dhacday Hotelka Agan ee magaaladaas, waxaana munasabadda ka soo qaybgalay Odayaasha dhaqanka, Mas’uuliyiin kamida Maamulka Jubaland iyo qaybihiisa kala duwan ee bulshadda.

Wasiir Cabdiwali Bixi waa Mas’uul ka yimid Bulshada Rayidka ah iyo Golaha Daryeel Waamo, Golaha Daryeel Waamo waa gole ku hawlan soo saarista mudanayaal iyo marwooyin Bulshada waxtarkeeda ka qayb qaata.

Cabdiwali Bixi waa mas’uulkii labaad oo maamulada Soomaalida xilweyn ka qabtay oo ka yimaada Daryeel Waamo oo uu gudoomiye ka yahay Cumar C/samad Yuusuf.

About The Author