Muuqaal-Sawirro: Waxgaradka Gaalkacyo oo ku baaqay Doorasho wada ogol ah watigeediina ku dhacda

20 Nov 2023 (Puntlandes.com) Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka degmada Gaalkayo oo gaaray 9 Xildhibaan, qaar ka mid ah Nabadoonada & Cuqaasha magaalada, Siyaasiyiinta Degmada, Ururada Dhalinyarada & Haweenka Degmada iyo aqoonyahanka Degmada ayaa kulan ballaran ooa y ku yeesheen magaalada waxay ka soo saareen baaq uu ka mid yahay in doorasho la isla ogon yahay waqtigeedii 8da janaayo 2024ta ku dhacdo.

Kulanka ayaa waxa uu shacabka gobolka Mudug ugu baaqeen inaysan ogolaan sharcidaro, doorashaduna ay waqtigeeda ku dhacdo iyagoo madaxweyne Deni na ugu baaqay wadahadal.

Sidoo kale saraakiisha Ciidamada kala duwan ayey ugu baaqeenn inaysan ku milmin khilaafka jira ayna u turaan shacabka kuna shaqeeyaan sharci Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa loogu baaqay in wixii dhib ah oo ka yimaada khilaafka jira uu isagu qaadanayo oo aysan jirin cid lka qaybsanaysa madsuuliyaddaas, maadaama uu u dhaartay shacabka lagana doonayo inuu qabto doorasho la isla ogol yahay oo ku dhacda waqtigeedii 8da janaayo 2024ta.

About The Author