Gudoonka Baarlamaanka Puntland oo u hakiyey wax-ka-bedelka Xeerka doorashooyinka in Madaxtooyada kala Laaluushto ………

26 Nov 2023 (Puntlandes.com) Fadhigii maanta ee Baarlamaanka Puntland oo ahaa mid albaabadu u xirnaayeen ayna soo xaadiray 48 mudane ayaa waxaana looga dooday arrimaha Siyaasadda Puntland, Amniga iyo sidii xildhibannada Golaha Wakiilladu door muhiim ah uga qaadan la haayeen ilaalinta midnimada & wadajirka Puntland si nabad iyo xasilooni ay ku jirto.

Sida qorshaha ahaa fadhiga maanta ayaa lagu wadday in looga doodo wax-ka-bedelka Xeerka doorashooyinka Puntland, kadib markii ay Xildhibaano soo jerediyeen in la hakiyo ayuu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland , Cabdirashiid Yuusuf Jibril Xildhibaannada la wadaagay in wax-ka-bedelka xeerka la gelinayo la tashi guud.

Fadhiga oo qaatay wakhti dheer ayaa la isla qaatay in Xildhibaannada dib loogu soo wargeliyo oo fariin loo diro fadhiga dambe si loo dhammeystiro shaqooyinka Golaha horyaal maalmaha soo socda haddii Allah idmo.

Tani waxay u muuqataa in gudoonku doonayo in Madaxtooyada kala Laaluushto oo kala furfurto xildhibaanada diidan in la meelmariyo Xeerka doorashada oo ay ku hoos qarsoon tahay muddo korosi loo sameeyo Madaxtooyada iyo baarlkamaanka.

About The Author