Danjiraha UK ee Soomaaliya oo la kulansan Madaxweynaha Puntland

02 Dec 2023 (Puntlandes.com) Danjiraha UK ee Soomaaliya, Amb.Mike Nithavrianakis ayaa la kulansan Madaxweynaha Puntland, isaga oo sidoo kalena la kulmay xisbiyada siyaasadda uu ka dalbaday in ay keenaan xal looga gudbi karo ismarin-waaga doorashada madaxtinimo, sida ay tilmaamayaan ilo kulanka ka agdhow.

Danjiraha ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo siyaasiyiinta mucaaridka ee diiddan doorashada qof iyo cod.

Beesha Caalamka ayaa ku dedaaleysa isu soo dhoweynta saamileyda siyaasadda Puntland, iyaga oo danaynaya in la helo wax heshiis lagu yahay.

Wasiirka Qorsheynta Puntland Maxamed Siciid Faroole iyo masax kale ayaa garoonka diyaaradaha caasimadda ku soo dhaweeyay Safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis.

About The Author