PUNSAA, PDRC & PDF oo kala hadlay khilaafka doorashada Puntland & wax kabedelka Dastuurka Somalia Danjiraha UK

02 Dec 2023 (Puntlandes.com) Ururrada Bulshada Rayidka ee PUNSAA, PDRC iyo Hay’adda Qurbo joogta Puntland (PDF) ayaa xarunta UNSOM kula kulmay Danjiraha Ingiriiska u fadhiya Somalia Amb. Michael Nithavrianakis waxayna kala hadleen muhiimadda ay leedahay in Dowladda iyo Mucaaradku si shuruud la’aan ah u wada hadlaan, doorasho loo dhanyahay oo nabad ku dhacdana aadaan. Sidoo kale Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa adkeeyey inaysan u dulqaadanayn wax-yeelaynta bulshada rayidka ah iyo khalkhalgelinta amniga iyo xasiloonida guud ee Puntland.

Ururrada Bulshada Rayidka ee PUNSAA, PDRC iyo Hay’adda Qurbo joogta Puntland (PDF) waxay safiirka kala hadleen Wax kabadalka Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay u arkaan mid aan loo dhammayn kana shaqaynaya carqaladeynta nidaamka Federaalka ah ee uu ku dhisan yahay Dastuurka qabyada ah ee aan weli loo qaadin aftida dadweynaha.

Waxay Ururrada Bulshada Rayidka Puntland ka muujiyeen in taxaddar xooggan ay u baahantahay cunaqabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya iyadoo ay ka digtay in hubku gacmo khaldan galo taasoo sii murjinaysa coladaadaha kq jira Somalia.

Ururada Bulshada rayidka ah waxay xoojiyeen in nabadayn la dhex dhigo beelaha walaalaha ah ee Deegaanada Togdheer iyo SSC- Khaatumo.

About The Author