DEGDEG: Wasiirkii Qorsheynta Puntland oo is casiley – SSCKhaatumo darteed.

28 Dec 2023 (Puntlandes.com) Wasiirkii Qorsheynta Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa iska casiley wasiirnimo, SSCKhaatumo darteed.

Waxa uu qoray wasiirku;

Waxa aan ka xumahay Go’aanka uu Madaxweyne Siciid Cabdulahi Deni caawa ka gaaraay doorashada Puntland, khaas ahaan go’aankiisa ku aadan xulistq 17 Xildhibaan ee gobolada SSC ku matalijiray Baarlamaanka Puntland.

Waxaan horey 16 Diseember 2023 isaga casilay Xisbi Siyaasadeedka Kaah oo ahaa Xisbigii uu hogaaminayey Siciid Cabdulahi Deni. Anigoo aaminsan in Xisbiga KAAH uu lahaa sababta ugu sareysa ee barnaamijka demoqoraadiyadu ufashilmay

Waxaan diidey inaan ka mid noqdo Gudi Xukuumada/KAAH ee uu Madaxweynuhu 15 Diseember 2023 u-xilsaaray una qaabilsan dawlada dib-u-soo xulashada Xildhibaanada cusub.

Waxaan ka xumahay in muddo 4 asbuuc ah uusan dhicin shirkii asbuuc-laha ahaa ee xukuumada iyadoo Madaxweynuhu Caasimada, Garowe, ku suganyahay xili xaallad aad u adag lagu jiro. Kumana guulaysan marar badan oo aan ku baaqay in la qabto. Taas oo kaliftay in xukuumadu wax wada tashi, falanqeyn iyo dood ah aysan ka yeelan siyaasadaha socda oo xawliga isku badalaya. Waana mida kaliftay in afkaarta iyo mowqifyadayda siyaasadeed public noqdaan oo aad baraha bulshada ku aragtaan.

Waxaan ka xumahay in Madaxweynuhu caawa ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa iyadoo aysan weli jirin wax is-afgarad ah oo ka dhaxeeya dawlada iyo mucaaradka. Khilaaf khatar amni-na ka taaganyahay habraaca iyo qaabka doorashadu u-dhacayso 8 January 2024. Taas oo keeni karta in aysan doorasho dhicin 8 January 2024 firaaq dastuuri ahna uu dhaco.

Sidaas darteed waxaan cadeynayaa inaan iska-casilay xilkii aan ka hayey Xukuumada Siciid Cabdulaahi Deni. Waxaan cadeynayaa inaan sina qeyb uga ahaan-doonin barnaamijka dib-u-doorashada Madaxweynaha iyo cidkale oo ka mid ah Xukuumada. Waxaan, si rasmi ah waraaqda is-casilaada ugu geyn-doona Madaxweynaha. Waxaana Xilka aan hayo ku wareejin-doona qofkii uu usoo magacaabo ama dastuuriga ah sida ugu dhakhsaha badan-leh.

About The Author