Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Isimmada oo Garowe uga furmay shir ay kaga arrinsanayaan SSC-Khaatum

29 Dec 2023 (Puntlandes.com) Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Isimmada dhaqanka oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse ayuu xilligan Garoowe uga furmay shir ay kaga arrinsanayaan qaabka loo geleyo dooraahada ka dib bixitaanka SSC-Khaatumo.

Ilo ka agdhow shirkan ayaa tilmaamaya in musharriinta iyo isimmaduba doonayaan in doorashada lagu galo 49 xildhibaan, inkasta oo Madaxweynaha maalmaha tirsanaya uu xalay sheegey in uu rabo in doorashada ay ka qayb-galaan SSC-Khaatumo oo lagu galo 66-da xildhibaanba.

Hal maalin ka dib ayaa la filayaa in la soo saaro liiska Baarlamanka lixaad ee Puntland kolkaas oo xiisadda doorashadu cirka isku sii shareeri doonto.

About The Author