Muuqaal: Maamulka Gobolka Mudug oo gacanta ku soo dhigay nimankii dilka kagaystay Gaalkacyo

16 Feb  2024 (Puntlandes.com) Gudoomiyaha gobalka Mudug Faysal Sheikh Cali oo hogaaminaya Ciidamada Amaanka Gobolka ayaa gacanta kuso dhigay 5 nin oo ku eedaysan dilka marxuum Ganacsade Axmed Tahliil Farax oo shalay lagu dilay magalada Gaalkacyo.

Gudoomiye Faysal ayaa ka tacsiyeey geeridii Allaha u naxariiste ganacsade Ahmed Tahliil oo Khamiistii lagu dilay xaruntiisa ganacsiga, wuxuna faafaahin ka bixiyey gacanku dhiigle yaashii falkaasi ka dambeeyey oo maanta xasbiga uu dhigay.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa uga mahad celiyay Maamulka Degmada bursalax iyo odayashii Kaqeyb qaatay soo qabashada 5 taas eedaysane.

About The Author