Muuse Biixi oo u diiday inuu madaxtooyada galo Gudoomiye Cali Xaamud

17 Feb  2024 (Puntlandes.com) Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Xil Cali Xaamud ayaa maanta loo diiday madaxtooyada sida uu isagu xaqiijiyey

Waxuu sheegay Cali Xaamud in Taliyaha madaxtooyada Somaliland u sheegay in madaxweyne Biixi, amarku bixiyay in aanu soo gelin madaxtooyada.

Talabadaas waxaa ka cadhoodey Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha Wakiillada Siciid Mire Giirre, oo la socday Cali Xaamud isla markaas-na isna diiday in uu galo madaxtooyada .

Waxuu Gudoomiye Cali Xaamud horseed ka ahaa meel marinta xeerarka meelmarinta xeerarka Doorashooyinka ee saaka Guurtidu ansixisay

Gudoomiye Faratoon iyo Gudoomiye Saleeban oo kaliya ayaa kulanka la fadhiya Madaxweyne Muuse Biixi

About The Author