Maxkamad Hargeysa oo xorriyaddiisa usoo celisay Wariye Maxamed Cabdi Ilig

18 Feb  2024 (Puntlandes.com) Maxkamad ku taala Magaalada Hargeysa ayaa maanta xorriyaddiisa usoo celisay Wariye Maxamed Cabdi Ilig oo maamulka Muuse Biixi uu si sharci darro ah xabsiga ugu hayay muddo ku dhaw 2 bilood.

Maxamed ayaa lagu waayay wax dambi ah waxaana ay maxkamaddu amartay in xabsiga laga sii daayo.

Horraantii Bishii Janaayo ayaa Ciidamo ka amar qaata maamulka Muuse Biixi xabsiga u taxaabeen Wariye Ilig oo xilligaas daadihinayay Barnaamij dood ah oo looga hadlayey Heshiiska sharci darada ah ee Muuse biixi uu la galay Xukuumadda Addis Ababa ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

About The Author