Muuqaal: Hadal jeedintaydii labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ee Xil Shariif Sheikh uu uga hadlay Dastuur bedel Madaxtooyadu riixayso

19 Feb  2024 (Puntlandes.com) Xildhibaan Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG oo maanta ka hadlayay kulanka Wadajirka ee Baarlamaanka labada Aqal oo looga doodayo wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka ayaa sheegay in Dastuurka uu muhiim u yahay dowladnimada, isla markaana uu taageersan yahay in la dhameystiro, hase ahaatee sida hadda wax u socdaan aanu aheyn dhameystir ee uu yahay Dastuur bedelid.

“Dastuurku waa arrin muhiim u ah dowladnimada, muddo dheer waa soo socday, waxaan taageersanahay in Dastuurka la dhameystiro, laakiin marka aad hadda fiiriso Dastuurka ma dhameystiraa mise waa bedel, tusaale waxaa wax laga bedelay 45 qodob iyo 94 farqadood, Dastuurka haddii la bedelayo waxaa uu u baahan yahay nidaam ka duwan dhameystir, waxaa uu u baahan yahay la tashi ka ballaaran intaan”ayuu yiri Xildhibaan Shariif Sheikh Axmed.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka uu yahay heshiis ummadeer oo keeni inuu hanaqaado nidaam dadku raalli ka yihiin, balse Dastuurla maanta tabasho badan laga qabo, maadaama Dastuurka ujeeddada loo sameynayo ay tahay Midnimo, isla markaana uu aaminsan yahay meelaha qaar inuu keeni karo dhibaatooyin aan laga fikirin oo keeni kara in la sii kala qoqobmo.

“Annagoo Xildhibaano ah oo nala soo doortay oo deegaano ka kala nimid oo ah hey’adda kaliya ee loo dhan yahay ma aaminsani inay sax tahay inaan ka shaqeyno wax keeni kara kala qoqobnaan”

About The Author