Midowga Afrika oo wada-hadal ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya

18 Feb  2024 (Puntlandes.com) Midowga Afrika ayaa wada-hadal ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya; iyaga oo aan soo hadal qaadin habdhaqankii uu la kulmay Madaxweyne Xasan Shiikh.

War-saxaafadeedka ayaa AU ayaa lagu yidhi:

“Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey xiisadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya iyo jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya, ka dib saxiixii heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) 1 Janaayo 2024.

Goluhu wuxu dib u xaqiijinayaa sida adag ee ay uga go’an tahay iyo taaheerada uu u hayo dhowridda midnimada, sharafka dhuleed, madax banaanida iyo gobanimada dhamaanba dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan kuwa jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya. Midowga Afrika wuxuu ugu baaqayaa labada dal inay qaboojiyaan xiisadda, ayna yeeshaan wadahadal macno leh oo ku wajahan sidi xal nabadeed loogu helilahaa arrinta”. 

About The Author