Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo ka hadlay xaaladda dalka.

19 Feb  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore JF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu uga hadlay xaaladda dalka gaar ahaan falkii dawladda Federaalku ku joojisay tabinta hadaljeedintii madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo dasytuur bedelidd ay madaxtooyaddu riixayso.

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo:

Codkayga waxaan ku biirinayaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyey is hortaagga ka dhanka ah hadal jeedintii Madaxweynihii Hore ee dalka, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Tallaabooyinka dib u eegista Dastuurka ee haatan socda oo aan awalba ahayn mid loo dhan yahay, dood badanna ka taagan tahay habraacii lagu ansixiyey, waqti ka khataro badan intii hore lagu jiro, haddana in xildhibaannadii ka aragti dhiiban lahaa la carqaladeeyo waxay muujinaysaa qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Dalkeennu maanta waxa uu wajahayaa halis la xiriirta jiritaankeenna iyo qarannimadeenna, taas oo lagu wajihi karo midnimo iyo wadajir, sidaas awgeed waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu ka soo noqda wadiiqadan khaldan, ilaaliyana dhaxalka dowladnimada ee heshiiska lagu yahay.

Wa Billaahi Towfiiq

About The Author