Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo kahadashay dhacdooyinkii u dambeeyay ee hawada Dalka & tallaabooyinka laqaaday…

19 Feb  2024 (Puntlandes.com) Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxay la wadaagtay muwaadiniinta Soomaaliyeed warsaxaafadeed ay ku faahfaahinayso dhacdooyinkii u dambeeyay ee hawada Dalka iyo tallaabooyinka la qaaday.

Dawladda Soomaaliya ayaa qirtay in qalab Casri ah lageeyey Hargeysa, dawladdo Shisheeyana ay qeyb kayihiin, kuwaas oo halis lagu galinayo Badqabka duulimaadyada Soomaaliya.

DFS oo digniintii ugu dambeyse u dirtay hoggaanka Maamulka Somaliland oo lagu eedeyey in ay ka dambeeyaan carqaladeenta diyaaradaha isticmaalaya hawada Soomaaliya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in marar badan la marin habaabiye diyaarado isticmaalaye ama maraye hawada sare ee degaanada Gobolada Waqooyi.

Dawladda Federaalka, ayaa sheegtay in ay talaabo adag oo deg deg ah ay qaadayaan, haddii ficilada Khal-khalgalinta ee Hargeysa ay sii socdaan.

About The Author