Muuqaal: Muuse Biixi ”Xasan Sheekhow calaacalka badan iska daa, Nafti hafarna ha noqon,MOU way dhaqangelaysaa”

21 Feb  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in uu dhaqangal noqonayo Is afgaradkii uu la gaaray RW Itoobiya Abiy Axmed ee lagu siinayay Bad Itoobiya, isagoo hoosta ka xariiqay in heshiis rasmi ah loo rogayo.

Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh ayuu Muuse ku eedeeyey in ay sameynayo ficilo bahalnimo oo ka dhan ah jiritaanka Somaliland, wuxuu sheegay in wajiga dhabta ah ee Soomaaliya u hayso dhinaca Somaliland uu yahay mid cadowtinimo aan walaalnimo jirin.

Muuse Biixi ayaa yiri Madaxwene Biixi ayaa yiri “Xassan Sheekh waxaan leeyahay labo kala daa calaacalka, naft hurana ha noqon, wax aadan heli karin in aad raadiso, waxaad tahay naftii hafar”

Muuse ayaa difaacay Is afgaradkii uu la saxiixday Itoobiya, dadka Somaliland ayuu sheegay in horumarkooda laga xun yahay oo waligood duulaan ay ku ahayd Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xassan Sheekh, dilkii Cabdinaasir Dahable, oo ahaa shaqaale katirsanaa Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo kasoo jeeday dhinaca Somalilabd, isagoo sheegay in godobtiisa loo haysto, dadku la xirayna aysan aheyn kooxdii dilka geystay.

“Beentii aduunka aad u sheegtay ee ahayd Argagixisaa dhameeyey waa la ogaaday Xasanow hub baa lagu siiyey iska celi argagixisada, anaga Argagixisada waa necebnahay, kuwa aan qabanaana Koonfur bay nooga yimadaan”

About The Author