Baarlamaanka JFS oo ansixiyeen heshiiska difaaca Soomaaliya & Turkiya

21 Feb  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda F Soomaaliaya Xasan Sheekh Maxamuud poo isugu yeeray labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa isugu yeeray Xildhibaannada Labada Aqal ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee dalka isagoo ka hadlay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga. Heshiiskan ayaa Madaxweynaha Xildhibaannada labada aqal u sheegay in uu ka hortag u yahay xaalufinta kheyraadka badda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Khudbada Madaxweynaha ka dib, mudanayaasha Labada Aqal guda galeen kulanka caadiga ah ee labada aqal, ayaa waxaa Xildhibaannadda uga warbixiyay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga Wasiirka difaaca dalka Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jamac) ayaa Xildhibaannada u sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay ilaalinta, midnimada iyo wadajirka ee Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa si wadajir u ansixiyeen heshiiska difaaca ee labada dowladood, waxaana ogolaaday, 213 mudane, waxaa nadiiday 3 Xildhibaan, wax ka aamusay ma jiraan. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in heshiiskan uu ansax yahay.

Wasiirka Wasaradda Difaaca Dalka Mudane Cabdiqadir Maxamed Nuur (Jaamac) uga mahadceliyay ansixinta heshiiskan, ayaa ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hooyatay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoona xusay inuu muhiim u yahay difaaca badda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in heshiiskan maanta laga bilaabo uu sharci yahay.

About The Author