Sawirro: Gudoomiyaha hay’adda wadooyinka Puntland oo Garowe kulan Qadosharafeed soodhawayn & duco ah usameeyey wasiiradda cusub ee gobolka Mudug

02 Mars  2024 (Puntlandes.com) Gudoomiyaha hay’adda wadooyinka dawladda Puntland Dr.Cabdifitaax Maxamed Sugulle Cilmi ayaa maanta Garowe kulan Harrimo sharafeed soodhawayn iyo duco ah usameeyey wasiiradda cusub ee magacaaban ee gobolka Mudug.

Wasiiradda magacaaban ee Gobolka Mudug ee munaasabadda ka qaybgalay ayaa kala ah:

1-Wasaaradda Waxbarashada Fu’aad Abshir Adeer: Beesha Cumar Maxamuud.

2-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux: Beesha Cumar
Maxamuud.

3-Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Maxamed Cabdiwahaab Axmed: Beesha
Reer Bicidyahan.

4-Wasaaradda Maaliyada Maxamed Faarax Maxamuud: Beesha Leelkase.

5- Wasaaradda Gargaarka Ubax Cabdirishiid Maxamed Xirsi: Beesha Leelkase.

Munaasabadda waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay qaar kamid ah Xildhibaanadda gobolka Mudug, saraakiisha ciidamada Nabadoono, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

About The Author