DFS oo caddaysay in heshiiskii difaaca iyo dhaqaalaha ee Turkiga & Somalia uusan qusayn xiisadda kala dhaxaysan Itoobiya

03 Mars  2024 (Puntlandes.com) Wasiiru dawlaha Arimaha dibadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya Cali Cumar Balcad oo  wareysi siiyay wakalaada wararka Turkiga ee Anadolu ayaa waxa uu ku sheegay in heshiiskii dhawaan ay wada sixiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ee difaaca iyo dhaqaalaha uusan shuqul ku lahayn xiisadda kala dhaxaysan Itoobiya.

Wasiir Cali Balcad ayaa waxaa uu sheegay in Turkigu uu sameyn karo dhexdhexaadin labada dhinac ah maadaamada sida uu sheegay ay xiriir wanaagsan la leedahay Addis Ababa.

Sidoo kale wasiirka ayaa intaas ku sii daray in heshiiskaan uu yahay mid faa’iido balaalaran u leh labada dal oo uusan wax xiriir ah la lahayn xiisadda Itoobiya ay ku doonayso inay boobto dhulka iyo Badda Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa ku sooo aadaya iyadoo madaxweynaha dawladda Federaalka Xasan Sheekh uu Golaha wasiiradda iyo labada Aqal ee Baarlamaanka ka ansixiyey heshiis aan lasoo bandhigin oo uu ku sheegay in Turkigu Itoobiya nooga difaacayo baddeena taas oo iminka noqotay mid aan jirin.

About The Author