Dowladda Turkiga oo dhexdhxaadinaya Soomaaliya iyo Itoobiya

03 Mars  2024 (Puntlandes.com)Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday iney ku bexeyso xal u hekida xiisada Badda ee u dhexeyso diwladda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweyne Erdogan ayaa muujiyay inuu Turkigu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato dadaallada dhexdhexaadinta ee lagu doonayo in lagu dhimo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo meeshii ugu xumeyd gaartay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa go’aankaan ku dhawaaqay kadib kulan gaar ah oo uu la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh oo kamid ahaa madaxdii ka qeyb gashay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya.

Turkiga ma sheegin xiliga uu bilaabayo u kala dab qaadida kabadan dal ee dwleriska ah, iyadoo xukuumada Muqdisho ay ku xirtay kulan ay la yeelato Itoobiya iney marka hore ka laabtaan heshiiskii Adis-abab ee Muuse Biixi iyo Abiye Axmed.

Dhawaan ayaa madaxweyne xasan Sheekh saxiixay xeer uu ka ansixiyey Golaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka kaas oo uu ku sheegay in Turkigu difaacayo badda Soomaaliya, taas oo iminka noqotay wax aan jirin.

About The Author