Sawirro: Xisaabiyaha Gobolka Mudug oo kormeer ay Dekada Garacad

03 Mars  2024 (Puntlandes.com) Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug Ismaaciil C/nuur Geesey, ayaa kormeer howleed kutagey Dekada Garacad.

Xisaabiyaha ayaa sidoo kale kormeeray dhisamayaasha Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga ee kasocda Dekadda Garacad oo meel gabagabo ah maraya.

Sidoo kale xisaabiyaha Wasaaradda ayaa kormeer ku sameeyey kastamka Dekada garacad oo ay ka socotay dajinta shixnadaha ay wadaan markabta iyo doonyaha u raran Ganacsatada Soomaaliyeed.

Geesay ayaa waxa uu warbixino ka dhagaysatay Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda dowlada Puntland.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug ayaa ciidanka ilaalada canshuuraha iyo mas’uuliyiinta kalaba kula dardaarmay dardargalinta shaqada iyo ilaalinta hantida ummadda.

default
default
default

About The Author