Bad xoogan oo ka kacay qaybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha

10 Mars  2024 (Puntlandes.com) Dab xooggan ayaa ka kacay qaybo ka mid ah suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan goobaha ganacsi ee ku yaalla wadada isku xirta dhismaha shirkadda Somtel iyo suuqa Cabdalla-shideeye.

Goobo ganacsi ayaa gubtay waxayna qaadatay muddo dheer in lagu guulaysto daminta dabakaasi, iyadoo ay ku gubatay hanti badan halka qaar kale laga badbaadiyey.

 Kooxaha gurmadka deg degga ah ee maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa ka qaybqaatay daminta dabka.

Ma cadda waxaa dhaliyay dabkan, oo saameyn aad u ballaaran ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa suuqan oo ah kan ugu weyn guud ahaan Soomaaliya.

About The Author