Muuqaal: Sheekh Shariif ”Waxaan u sheegayaa walaalkey xitaa hadii wax aan sax aheyn ay Baarlamaanka mariyaan ma shaqeyn doonaan”

21 Mars  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheikh Ahmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka shaqeynayo Qabyaalad, isagoo xusay wixii shalay ay wadajir u diidanaayeen markii ay mucaaradka ahaayeen wax ka culus uu dalka ka socdo.

“Shalay aniga Madaxweyne Xasan Sheekh iyo rag kale oo mucaarad ah halkaan ayaan wada taagneyn annagoo ka horjeedno Farmaajo oo aan ku eedeyneynay hannaankii doorashada inuu afduubay, qabiilnimo ma aheyn waxa aan ku diidaneyn. Maanta wixii aan barigaa wadajir u diidaneyn wax ka culus ayaa socda, dastuur ummaddu wada leedahay ayuu Madaxweynuhu leeyahay sidaan rabo haleygu qoro, oo yaan leyga farafareyn, cidna kalama tashanayo”

“Waxaan u sheegayaa walaalkeey xitaa hadii wax aan sax aheyn ay Baarlamaanka mariyaan ma shaqeyn doonaan”

“Waxaa intaa dheer muddo ayaan uga caqli celineynay sanad ka badan Madaxweynaha inuu ka joogo ummadda wax ayan u dhameyn. Wax kasta waxa ay gaareen hadda heerkii ugu hooseeyay oo qabyaaladii baa xoogeysatay, is aaminaadii ayaa hoos u dhacday, Waxaan leenahay Madaxweyne ku soo laabo waddada saxda ah, dalkaan ha gaarsiin meel aan laga soo celin karin, wixii shalay aad diidaneyd cid kaa yeeleysa ma jirto”

About The Author