Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo Qado-sharaf u sameeyey Islaan Bashiir Islaan Cabdille Islaan Farah oo ku sugan Garowe

25 Apr 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Cumar Cabdisamad yusuf Dhuux ayaa maanta Qado-sharaf ugu sameyey Beerta Xoriyadda Islaan Bashiir Islaan Cabdille Islaan Farah oo ku sugan magaladda Garowe, ee Caasimada Dowlada Puntland.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa ka Yimid Wadanka Saudi Arabia oo uu u aaday gudashada Cimrada iyo Citikaafka tobankii beri ee ugu dambeeyey Bisha Ramadaan allaha ka aqbalee.

Qarasharafta waxaa kasoo qaybgalay, Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jiray, Wasiiro, xildhibaano, Agaasimayaal, Ganacsato,Nabadoono iyo Dhalinyaro.


Wasiirada Waxaa ka mid ahaa, Wasiir Omar Abdisamad Yusuf Dhuux oo isagu qado sharafta Sameeyey iyo Wasiirka Waxbarashada Dowlada Puntland Mudane Fuad Abshir Ahmed. Xildhibanada Waxaa kamid ahaa Xildhiban Abdikafi Abdi Abshir iyo Xildhiban Yasin Taakilo oo labadaba laga soodoorto Gobolka Mudug.

Agaasimayaalsha waxaa ka mida ahaa:

1. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Mudane Mohamed Isse Osman
2. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista hawada iyo Garoomada Puntland Mudane Maax.
3. Agaasimaha Xiriirka Golayaasha Ee Madaxtooyada Puntland Mudane Asad Heello


Ganacsatada ayaa waxaa ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Shirkada Wadaagsan ee gacanta ku haysa Dhismaha Dekeda Garacad iyo Maareeyaha Dekeda Garacad Mudane Abdisaid Faadi.

Waxaa kaloo shirka kasoo qaybgalay nabadoonada iyo dhalainyarada Deegamada Mudug iyo Nugaal ee Beesha Islaan Bashiir Isimka u yahay.

About The Author