Taliyaha Saldhiga garoonka Aaden Cadde oo Maxkamaddi amartay in lasoo xiro

24 Apr 2024 (Puntlandes.com) Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa amartay shalay in uu maxkamadda horyimaado Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde oo fulin waayay amar maxkamadeed oo ahaa in uu joojiyo dhismaha ka socda dhul muran ka taagan yahay oo ku dhexjira xeyndaabka garoonka diyaaradaha.

Boobka dhulka ayaa lagu eedeeyey Madaxweyne Xassan Sheekh inuu xiligii ansixinta dastuurka laaluush ahaan u siiyey mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, isagoo fahamsan in ay leeyihiin qoyska Reer Cali Ugaas, kuwaas oo cabashadooda jeedinayay maalmihii u dambeeyey.

Taliyaha Saldhiga booliska ee garoonka Aaden Cadde ayaa iska diiday fulinta amarka maxkamadda, isagoo helay amarka madaxtooyada ee kuwajahan dhulkaan.

Maxkamadda ayaa markale maanta amartay in lasoo xiro Taliyaha saldhigan, iyadoo warqada loo diray Taliska guud ee ciidamada Booliska, iyadoo ay ilo wareedyo sheegayaan in uusan awood Taliyuhu u yeelan karin uu maxkamadda horkeeno taliye qeybeedka helaya amarada madaxtooyada ee dhul-boobka.

Qaylo dhaan la xariirta dhul boobka ayaa cirka isku shareertay, iyadoo dhammaan dadka cabanaya ay madaxweynaha ku eedeynayaan in uu ku fasaxay dhulkii danta guud xubno saaxiib la ah, oo ay wax kasta xaraash galinayaan.

About The Author