Alshabaab oo qabsatay deegaanka Busleey ee dhaca nawaaxiga xeebta Jaziira ee duleedka Muqdisho

23 Mars  2024 (Puntlandes.com) Alshabaab ayaa qabsatay deegaanka Busleey ee dhaca nawaaxiga xeebta Jaziira ee duleedka Muqdisho. Waxay ku dishay AUN Liiban Golcad oo ahaa taliyaha Ciidanka Police Military ee amniga caasimadda gacanta ku haya.

Xogta ugu dambeysa ayaa sheegeysa in dhamaan xeradii ay gubeen, dhimashada ayaa ah 22 ciidan, halka hubka iyo Gaadiidka ay qabsadeen uu kala yahay  6 Cabdi Bile oo uu saaran yahay Dhashiike, hal gaadiid Sahay saarneyd iyo mid saanad sidey, Hal hoobiye, 7 daba minshaar iyo 8 baasuuke ayey ka qaateen.

About The Author