C/raxman C/shakur “haddii guddoonkii Baarlamaanka uu wax kasta ansax yiraa, Madaxweynihiina Masjidka ka soo goodiyo sow masiirku uma muuqdo Marinaayo iyo halkii uu Madaxweynuhu ka soo jabhadeeyey”

24 Mars  2024 (Puntlandes.com) Xildhidhaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu qoray waxa uu isku waydiinayaa natiijada ka dhalandoonta haddii madaxweynuhu ku adkaysto dastuur bedelka uu wado taas oo ku sheegay inayku dambayn doonto Jamhadayn iyo in Marinaayo loo noqdo.

Xildhidhaanka ayaa hoosta ka xariiqay inaysan ahayd sharci inuu madaxweynuhu u ololeeyo dastuur bedel sidoo kale aysan sharci ahayn Maxkamadii dastuuriga oon dhisnayn in la isku dayo..

Hoos ka akhriso qoraalka:

Madaxweynaha Senegal Maki Sally ayaa 05 Febraayo ee sanadkan Baarlamaanka dalkiisa ka ansaxsaday in doorashada madaxtinimada oo la qaban lahaa 15ka Febraayo dib loo dhigo. Laakiin mucaaradka iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa dacwad ka dhan ah go’aanka u gudbiyey Maxkamada Dastuuriga ah ee dalkaas oo 15 kii Febraayo go’aamisay in aan dib loo dhigi karin doorashada, iyadoo amartay in la qabto 24-ka Maarso oo maanta ku beegan.

Sidoo kale, ayaa 31 Maarso sanadkii 2022 Maxkamadda Sare ee Kenya ka diiday Madaxweynihii hore ee dalkaas, Uhuru Kenyatta isku day uu ku doonayey in uu dastuurka ku beddelo. Maxkamadda ayaa go’aanka diidmada ku sababaysay in Madaxweynaha uu horboodayey wax ka beddelka dastuurka, halkii laga doonayey in muwaadiniintu horseed ka noqondaan.

Waxaa halkaa ka cad muhiimadda ay leedahay Maxkamad Dastuuri ah oo laanta fulinta ka madaxbanaan iyo in la kala saaro dastuurka iyo danaha shakhsiga ah.

Dhammaystirka dastuurka ee murashaxiinta uu madaxweynaha ka mid ahaa balanqaadeen waxay ahayd in la qabyo tiro, waxa ka dhiman la dhammaystiro ee ma ahayn in wixii heshiiska lagu ahaa la beddelo.

Dastuurkeena meelna ugama qorna in Madaxweynaha uu wax ka beddelka dastuurka horboodo, mana ogolo in talada wax ka beddelka isaga ka bilaabato ee waa ilaaliyaha dastuurka iyo marjicii ay ku soo dhammaan lahayd.

Haddaba, haddii guddoonkii Baarlamaanka uu wax kasta ansax yiraa, tixgelin waayoo dastuurka, xeerhoosaadka Golaha, iyo habraaca ansixinta dastuurka, Madaxweynihiina Masjidka ka soo goodiyo, lana diiday in dalka Maxkamad Dastuuri loo dhiso, shacabkiina talada waxba ku lahayn, sow masiirku uma muuqdo Marinaayo iyo halkii uu Madaxweynuhu ka soo jabhadeeyey?

About The Author