Madaxweyne Deni oo Goley & Hurre umagacaabay la-taliyayaal

24 Mars 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo saaray Xeer Madaxweyne u magacaabid La-taliyayaal Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) iyo Axmed Cabdi Maxamuud (Hurre).

Goley ayaa madaxweynuhu u magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dib u Heshiisiinta, halka uu Hurre u magacaabay La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dadweynaha

Hoos ka akhriso wareegtada:

MAGACAABID LA-TALIYAYAAL MADAXWEYNE.

Garoowe: 24 March 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 004 ee 24-ka Maarso 2024, kuna saabsan magacaabid La-taliyayaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida La-taliyayaasha Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dib u Heshiisiinta.

2. Waxaa Axmed Cabdi Maxamuud (Hurre) loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dadweynaha.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

About The Author